Shaqsi dad ku dilay Mareykanka oo la aqoonsaday iyo ujeedka

Image

WASHINGTON, US - Inta la xaqiijiyay 20 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhowaad 30 kalena way ku dhaawacmeen ka gedaal markii xarun laga dukaameesto oo ay ku sugnaayeen rasaas ooda looga qaaday.

Booliska ayaa laga soo xigtay in shaqsi ku hubeysan qorri AK 47 ah uu falkan ka geystay goobtan oo ku taala magaaladda ganacsiga caanka ku ah ee El Paso, gobolka Taxes ee waddanka Mareykanka.

Patrick Crusius, kaasi oo dhowaan 21-sano jirsaday, ayaa waxaa la tilmaamayaa in uu yahay dilaaga dadkaasi, isla markaana uu haatan ku jiro xabsi, su'aallana la waydiinayo.

Ma cadda ujeedada ka dambeysa falkan balse muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon waxay muujinayaa isaga oo qaab ciidan u sita qoriga, xireyna dhegaha ka hortaga dhawaqa rasaasta.

Muuqaal-baahiyaha CNN ayaa wuxuu ku waramaya in sirdoonka Mareykanka ee FIB-da ay bilaabeen baaritaan ku saabsan hadii falkan uu wax xiriir ah la leeyahay "argagixisinimo".

Telefishinka Ruushka ee RT ayaa baahinaya in qoraalo uu ninkan soo dhigay bartiisa bulshadda ay muujinayaa in uu falkiisa "ku maamusayay" gacan-ku-dhiiglihii Muslimiinta ku laayey New Zealand.

Toogashadan dadka badan lagu wax-yeelaayey ayaa noqoneysa tii 250aad oo muddo 215-casho gudahooda ah kaga dhacday guud ahaan gobolada kala duwan ee Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM