Shaqsigii ugu horeeyay ee hawada sarre ku socda oo geeriyooday

Image

MOSCOW, Russia – Alexei Leonov, kaasi oo 1965-tii noqday shaqsigii ugu horeeyay ee ku socda hawada, ayaa ku geeriyooday Moscow isaga oo 85-sano jir ah kadib xanuun muddo uu la il-darnaa.

Hay'adda Saadaasha Hawada Ruushka ee Roscosmos ayaa geerida ku dhawaaqday Jimcadii iyadda oo aan shaacin sababta. Warbaahinta waxay qeexday in Leonov ay sanado haysatay arrimo caafimad.

"Magaciisa wuxuu baaqi kusii ahaan doonaa taariikhda," ayaa lagu yiri war qoral ah oo ay Roscosmos u dirtay qoyska Leonov.

Bayaanka oo saxaafadda loo diray ayaa waxaa lagu raaciyey: "Waxa ugu weyn ee lagu xusuusan doono waa in uu dalku gaarsiiyey yoolkiisa arrimaha socdaalka hawada, taasi oo uu ku noqday cabqari".

Bishii Maaj 18-keeda sanadkii 1965-tii, Leonov wuxuu sameeyay taariikhda markii muddo qaadatay 12-daqiiqo iyo sagaal il-biriqsi uu socday hawada sarre, kadib howlgalkii Voskhod-2.

Tani ayaa waxay timid xili Midowga Suufiyiinti iyo Mareykanka, oo ah dalalkii horkacayey Dagaalkii Qaboobaa, ay ku baratameen gaaritaanka hawada sarre.

Biladda ugu sareysay halyeeynimadda waddanka Ruushka ayaa waxa uu Alexei Leonov ku guuleystay muddo laba jeer ah.

- Waa kuma Alexei Leonov? -

Bishii Maaj 30-keeda sanarkii 1934-tii ayaa waxa uu ku dhashay magaaladda Kemerovo Oblast, gobolka Siberia ee Ruushka.

Kahor inta uusan noqon cirbixiyeeno, waxa uu ahaa duuliye. Wuxuu ahaa saaxiibka Yuri Gagarin, ninkii ugu horeeyay ee taga hawadda sanadkii 1961-dii. Waxayna soo wada qaateen hal-tababar.

Maalinta Talaadada ah ayaa lagu wadaa in lagu aas Mosocow, kahor inta aanan loo sameynin munaasabad lagu maamuusayo.

Leonov, oo aad ugu dhowaa madaxweynaha waqti xaadirkan ee Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ifka kaga tegay xaaskiisa, gabadhiisa iyo laba caruur ah, kuwaasi oo uu awoowe u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM