Sharci cusub oo kacdoon shacbi ka dhaliyay India

Image

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada amaanka India iyo dibadbaxayaal ka caraysan sharci cusub, oo dhawaan dalkaasi laga dhaqan-geliyay.

Dibadbaxyada rabshadaha wata ayaa gilgilay gobollada ay ku badan yihiin dadka Muslim-ka ah, ee dhaca waqooyiga dalka India, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Gobolka Uttar Pradesh ayaa la sheegay inuu yahay xudunta banaanbaxa ka dhanka ah Sharciga cusub ee dhalashada India siinaya muhaajiriinta aanan Muslimiinta ahayn.

Baarlamaanka India ayaa maalmo kahor meel-mariyay sharcigan oo dhalashada lagu siinayo dadka laga tirada badan yahay ee Hindus, Sikhs, Buddhists, Jains, Parsis iyo Kirishtaanka ka yimaada Bangladesh, Afghanistan, Pakistan, iyadoo meesha laga saarayo kuwa Muslim-ka ah.

Xisbiga haya talada ee (BJP) ayaa ku doodaya in sharcigaan uu difaacayo dadka diintooda loogu dhibaateeyo wadamada deriska la ah India, laakiin mucaaradka ayaa cambaareeyay go’aankan carrada ka dhaliyay dalkaasi.

Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka qarxay qeybo kamid ah India markii la meel-mariyay qaraarkan, iyadoo kumanaan qof oo Muslim ah ay isagu soo baxeen 13 degmo oo kamid ah Uttar Pradesh.

Dibadbaxayaasha ayaa iska indha-tiraya amarka dowladda ee mamnuucaya banaanbaxa, waxaana taasi ay ka dhalatay isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dadka careysan ee dalbanaya inay dowladda ka laabato go’aankeeda.

Caasimadda India ee New Delhi ayaa soo kale kamid ah meelaha ay ka socdaan dibadbaxyada, waxaana lagu soo waramayaa in booliska ay xoog ku galeen xaruumo waxbarasho kadib ay jirdileen ardayda.

Bangalore, Hyderabad, Patna, Chandigarh iyo Mumbai, ayaa sidoo kala la sheegay inay rabashadaha kusii fidayaan. Ururrada bulshada rayidka, axsaabta siyaasadeed, ardayda iyo dadka caadiga ah ayaa baraha bulshada dadka ugu baaqayay inay ka soo qeyb galaan dibadbaxyada.

Dowladda ayaa boqolaal ciidamada sida gaarka ah u tababaran u dirtay meelaha ay ka socdaan rabashadaha, iyadoo isku dayaysa inay kahor tagto kacdoonka shacbi ee soo xoogeysanaya.

Dibadbaxayaasha ayaa u arka sharciga cusub ee lidi ku ah Muslimiinta ku nool India oo lagu qiyaaso inay gaarayaan 200 oo milyan, kuwaasoo ku eedeeyay xisbiga BJP inuu u hiilinaya Hinduuga iyo Kirishtaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Biden oo saanad hub ku kacaysa $1 bilyan u diraya Yahuuda

Sida laga soo xigtay Wall Street Journal, xirmada hubka waxaa kamid ah $700 milyan oo rasaasta taangiyada ah.

  • Caalamka

    15-05-2024

  • 01:42AM

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM