Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn culus oo kaga timid Mareykanka

Image

BEIJING, China – Shiinaha ayaa beeniyey in uu si qarsoodi ah u tijaabiyey nukliyeer. Eedeyntaas waxay dhowaan kaga timid Waaxda dibadda Mareykanka. Washington waxay xustay in tijaabada lagu sameeyay dhulka hoostiisa.

Zhao Lijian, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda China, ayaa Khamiista maanta ah u sheegay wariyeyaasha in dowladdiisu ka go'an tahay in ay hogaan-santo axdiyadda caalamiga ah ee xakameynta hubka iyo Nukliyeerka.

"Been abuurka Washington xitaa uma qalanto in la beeniyo," ayuu yiri shir jaraa'id kaasoo lasoo agaasimay oo uu ku qabtay xarunta wasaaradda ee Beijing.

China, oo haysata 300 oo hubka nukliyeerka ah, ayaa ku celcelisay in ay isku difaaceyso, waxay meesha ka saartay in ay halis ku gelineyso amniga dunida.

Washington iyo Bejing waxaa ka dhaxeeya loolan dhinac walba leh sidda xaga siyaasadda, dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda. Tan iyo markii uu xafiiska yimid Donald Trump, waxaa muuqaneysa in xifaaltanka uu meel sarre gaarey.

Trump ayaa horaantii sanadkan 2020 ku eedeeyay China in ay abuurto Coronavirus si ay dhaqaale uga sameyso. Bejing waa ay iska fogeysa eedeyntaas.

Covid-19 oo bartamaha Shiinaha ka dilaacay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 ayaa ku dhacay in ka badan laba milyan oo ruux, waxaana u geeriyooday kumanaan kale, sidda ay xustay Hay'adda Caafimaadka Dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Israel oo Ku Hanjabay Inuu Calanka Israel Ka Taagayo Caasimadda dalka Yemen

Xasuuqa Israel ee Gaza ayaa lagu dilay in ka badan 65,100 Falastiiniyiin ah, inta badan haween iyo caruur.

  • Caalamka

    19-09-2025

  • 06:29PM

Pakistan oo Sacuudiga la gashay Heshiis Difaac oo cabsi-geliyay India

Laakiin dagaalka Gaza ayaa wax walba is beddelay, halkaas oo Qatar, oo ah dal Khaliiji ah, lagu beegsaday laba jeer sannad gudihiis.

  • Caalamka

    18-09-2025

  • 06:54AM