Shimbirta aduunka ugu halista badan oo dishay ninkii lahaa

Image

FLORIDA, US – Shirta aduunka ugu halista badan ee lugaha ku leh cidiyo waawayn ayaa dishay ninkii lahaa, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

Sheekadaan oo aad ay u hadalhayso warbaahinta ayaa ka dhacday degmada Gainesville, ee gobolka Florida, wadanka Mareykanka.

Dhacdada ayaa ka dambeysay markii mulkiilaha, Marvin Hajos, oo 75-sano jir ah, uu guriga gadaashiisa kusoo dhacay.

Booliska ayuu durba soo garaacay markii ay shimbirtu soo weerartay. Hasayeeshee, wicitaanka labaad qof kale ayaa soo garaacay.

Ruuxa labaad ayaa dalbayay gargaar caafimaad oo deg deg ah. Nasiib daro, markii Boolisku yimid goobta waa uu geeriyooday.

Marvin Hajos, ayaa la sheegay in uu si wacan u xanaaneen jiray shimbirta, inkasta oo dhowr jeer looga digay halisteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM