Shinzo Abe: Ra'iisul wasaaraha wadanka Japan oo galay isbitaal

Image

TOKYO, Japan – Ra'iisul wasaaraha 65-sano jirka ah ee Japan, Shinzo Abe, ayaa galay isbitaal, sidda ay warisay saxaafada maxaliga ah, wallow ay fahfaahino kala duwan ka bixiyeen sababta dhabta ah ee keentay.

Wakaaladda wararka Jiji oo tabisay in hogaamiyahan mudda dheer xukumaya dalkaas uu kasoo baxay isbitaalka ayaa xustay in uu hubin ku sameynayey caafimaadkiisa, taasna uu sanadkii hal mar sameeyo.

Hase ahaatee, warbaahino kale ayaa wariyey in bishii June uu baaritaankaas isku sameeyay isla markaana talaabadan cusub ay ka dhalatay daal fara badan oo uu ku dareemay shaqooyinka xakameynta Covid-19.

Wasaaradda caafimaadka oo xaqiijisay in Abe uu isbitaal galay ayaa tilmaamtay in aysan jirin dhibaato baaxad weyn oo uu dareemayo.

Warkaan ayaa soo shaac-baxaya iyaddoo Japan ay wajaheyso dhaqaale xumo ka dhalatay ololaha la dagaalanka musiibada Coronavirus.

Xafiiska Shinzo Aabe ayaan ka jawaabin codsiyo kala duwan oo warfidiyeenka ku doonayey in uu fahfaahino ka bixiyo caafimaadkiisa.

Shinzo Aabe, oo ah ra'iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan isla markaana xafiiska jooga tan iyo 2012-kii oo ahayd muddo xileedkiisii labaad, ayaa 2007-dii mar is casilay markii uu ku dhacay xanuunka calool bararka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM