Shinzo Abe: Ra'iisul wasaaraha wadanka Japan oo galay isbitaal

Image

TOKYO, Japan – Ra'iisul wasaaraha 65-sano jirka ah ee Japan, Shinzo Abe, ayaa galay isbitaal, sidda ay warisay saxaafada maxaliga ah, wallow ay fahfaahino kala duwan ka bixiyeen sababta dhabta ah ee keentay.

Wakaaladda wararka Jiji oo tabisay in hogaamiyahan mudda dheer xukumaya dalkaas uu kasoo baxay isbitaalka ayaa xustay in uu hubin ku sameynayey caafimaadkiisa, taasna uu sanadkii hal mar sameeyo.

Hase ahaatee, warbaahino kale ayaa wariyey in bishii June uu baaritaankaas isku sameeyay isla markaana talaabadan cusub ay ka dhalatay daal fara badan oo uu ku dareemay shaqooyinka xakameynta Covid-19.

Wasaaradda caafimaadka oo xaqiijisay in Abe uu isbitaal galay ayaa tilmaamtay in aysan jirin dhibaato baaxad weyn oo uu dareemayo.

Warkaan ayaa soo shaac-baxaya iyaddoo Japan ay wajaheyso dhaqaale xumo ka dhalatay ololaha la dagaalanka musiibada Coronavirus.

Xafiiska Shinzo Aabe ayaan ka jawaabin codsiyo kala duwan oo warfidiyeenka ku doonayey in uu fahfaahino ka bixiyo caafimaadkiisa.

Shinzo Aabe, oo ah ra'iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan isla markaana xafiiska jooga tan iyo 2012-kii oo ahayd muddo xileedkiisii labaad, ayaa 2007-dii mar is casilay markii uu ku dhacay xanuunka calool bararka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM