Shinzo Abe: Ra'iisul wasaarihii ugu mudada dheeraa Japan oo is-casilay

Image

TOKYO, Japan - Ra'iisul Wasaarihii Japan, Shinzo Abe, ayaa isku casilay sababo caafimaad. Talaabadan waxay imaaneysaa maalmo kadib markii uu noqdey wasiirkii koowaad ee ugu waqtiga dheeraa waddankaas.

65-jirkan afar maalin kahor gaarey rikoorkaas ayaa xafiiska joogay sideed sano oo xariir ah. Mudadii uu jagada hayey waxay Japan kasoo kabatay musiibooyin ay kamid yihiin dhul-gariir iyo burbur dhaqaale.

Abe oo xulafo dhow la ahaa Mareykanka iyo maamulka Donald Trump ayaa todobaadyo kahor waxaa isbitaal loo dhigay wax ay mas'uuliyiinta ku sheegeen "daal uu ka qaadey la tacaalida Covid-19".

Isagoo Jimcada maanta ah ka hadlayey shir jaraa'id, Abe ayaa tibaaxay in xanuun soo laab-laabtey oo dhanka mindhicirka ah ay sabab u tahay is-casilaadiisa, isagoo rajeeyay in ay Japan hesho bedel fiican.

Xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party ayaa la filayaa in ay soo magacaabaan ra'iisul wasaare cusub kaasoo bedelaya Abe oo muddo xileedkiisa uu rasmiyan ka dhamaan lahaa bisha September, 2021-ka.

Sanadkii 2006-kii ayay ahayd markii ugu horeysay oo jagadan uu hantiyey Abe oo uu awoowe u yahay ra'iisul wasaare hore oo Japan soo maray isla markaana uu dhalay wasiir arrima dibadeed isla dalkaas ah.

Xilli uu wajahayey eedeymo ay kamid yihiin dambiyo-dagaal iyo fadeexado xargaha goostay, sanadkii 2007-dii ayuu mar is-casilay, hase ahaatee, wuxuu waqtigaas cuskaday isla cudur dhanka mindhicirka ah.

Hadal-heynta iyo shakiga la gelinayo caafimaadka Abe ayaa soo bilaabatay bishii June, xilligaas oo si is-daba-joog ah uu u booqan jiray isbitaalka. Shirkiisa jaraa'id ayuu ku caddeeyay in waqtigaas lagu wargeliyey cudurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM