Shirqool ka dhan ah diblumaasiyiinta Mareykanka oo la fashiliyey

Image

AMMAN, Jordan – Sirdoonka dalka Carbeed ee Jordan ayaa shaaca ka qaadey in uu fashiliyey weerar ka dhan ahaan ciidanka iyo diblumaasiyiinta Mareykanka.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in sidoo kale shirqoolka lala damacsanaa diblumaasiyiinta maamulka Yahuuda ee waddankaas ku sugan.

Xoogaga lala doonayey gulufka ayaa ku sugan saldhig ku yaala koonfurta dalkaas, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed.

Bayaanka oo kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka ayaa lagu xusay in laba ruux ay abaabulayeen duulaanka, kuwaas oo ka tirsan Daacish.

Shaqsiyaadka la tuhunsan yahay oo la xiray bishii July ayaa qorsheeyay in ay gaari, mindi iyo rasaas u adeegsadaan weerarkooda.

Xubnahaan oo magacyadooda iyo jinsiyahooda aan lasoo bandhigin ayaa lasoo taagay Maxkamadda ciidamadda Ammaanka Jordan.

Sidda lagu sheegay warka qoraalka ah, eedeysaneyaasha ayaa lagu soo oogay dacwad argagixisinimo ah iyo dambiyo kale oo waaweyn.

Maxkamadda ay kasoo muuqdeen xubnahaan ayaa waxaa sharciyadeeda su’aal geliyey qaar kamida siyaasiyiinta iyo wadaadada ugu caansan waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM