Siday haweenay isku durtay cirbad macmal ah uga badbaaday geeri?

Image

BEIJING, China - Haweenay reer China ah ayaa ugu yaraan dhiman gaartay markii ay isku durtay cirbad macmal ah oo ka sameysan khudaar si ay u caafimaado.

51-sano jirtaan ayaa la dhibaatooneysay beer, kilyo, wadno iyo sambab xanuun, waxayna xaalad deg deg ah ay ku jirtay muddo shan maalmood ah.

Dadka adeegsada baraha bulshada ee ku nool Shiinaha ayaa sheegaya in kiiskaan uu muujinayo sida ay u wanagasan aqoonta aas-aasiga ee caafimaadka.

Kadib markii ay isku durtay cirbadaasi, haweenayda ayaa waxaa isbedalay maqaarkeeda, waxaana sare u kacay heer kulka jirkeeda.

Durbadiiba isbitaal ayaa loola cararay gaar ahaan qolka xaalada deg deg ah, kahor inta aan loosoo wareejin qaybta xaalada guud, halkaasoo laga saaray.

Kiiskaan ayaa si wayn looga hadal-hayaa gudaha China, waxayna dadku ku talinayaan in ugu yaraan qofka uu wax ka barto caafimaadka.

Sidda laga soo xigtay dhakhaatiirka, kaliya waxaa jirta 20 nooc oo kamid ah cirbadaha ka sameysan khudaarta, wixii kasoo harana ay halis keeni karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM