Walaalo mataano ah oo jahwareeriyay garsoore maxkamadeed

Image

LEUVEN, Belgium – Maxkamad ku taalla Belgium-ka waxaa lasoo taagay laba wiil oo walaalo mataano ah kuwaasi oo loo haysto in ay dhaawacmeen nin kale.

Falka lagu soo oogay Ibraahim iyo Muraad A ayaa dhaca bishii October 2015-kii markaasi oo ay kala gameen nin kale.

Muuqaal ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-ga ayaa muujinaya in mid kamid ah walaalaha uu falka sameeyay balse ma cada midkuu yahay.

Garsooraha maxkamada magaaladda Leuven ayaa amar ku bixiyay in lasii daayo wiilahaan, maadaama uu ku jahwareer kala aqoonsashadooda.

"Way cadahay in ay dambiga sameeyeen balse lama ogga midka ku lugta leh," ayay warbaahinta kasoo xigatay.

Sidda laga soo xigtay Booliska, labada wiil oo siyaabo kala duwan loo wareystay waxay ay diideen in ay sheegaan midka qaladka sameeyay.

Sheekadaan ayaa ah tan ugu hadal-heynta badan dhinaca wararka arrimaha bulshadda ee wadanka Belgium todobaadkaan oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM