Sidee maskaan wayn ee uurka leh loogu qabtay Mareykanka?

Image

FLORIDA, US – Beer duur-joogta lagu xanaaneeyo oo ku taala gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay mas dhirarkiisu dhan yahay 17 feet oo u dhiganta 5.2 meter.

Qabashada Jibisadaan ayaa loo adeegsaday qaab daahsoon si looga hortago sunteeda halista badan.

Maskaan dhediga ah oo lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee laga soo saaro beerta Big Cypress National Preserve ayaa culeyskiisa wuxuu dhan yahay 63.5kg, wuxuuna siday 73 xabo oo ukun ah.

Ma'uuliyiinta beerka ayaa laga soo xigtay in maskaan halis ku ahaa duurjoogta kale ee gobolka ku nool.

"Waxaan erinay mas kale oo lab ah kaasi oo quudun jiray … waxaana helnay midaan dhediga ah," ayuu yiri mid kamid ah mas'uuliyiinta.

Gobolka Florida iyo guud ahaan Mareykanka ayaa ah meel aad looga fiijiyo maska, maadaama ay khatar ku yihiin nolosha naas-leyda kale.

Tobanaan kun oo maska loo yaqaano Burmese ayaa iyada oo ay tani jirto waxaa la qiyaasayaa in ay ku nool yihiin kaliya gobolka Florida taasi oo ay wehliso in ay jirto cabsida laga qabo in ay dhibaato geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM