Sidee maskaan wayn ee uurka leh loogu qabtay Mareykanka?

Image

FLORIDA, US – Beer duur-joogta lagu xanaaneeyo oo ku taala gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu qabtay mas dhirarkiisu dhan yahay 17 feet oo u dhiganta 5.2 meter.

Qabashada Jibisadaan ayaa loo adeegsaday qaab daahsoon si looga hortago sunteeda halista badan.

Maskaan dhediga ah oo lagu tilmaamay kii ugu waynaa ee laga soo saaro beerta Big Cypress National Preserve ayaa culeyskiisa wuxuu dhan yahay 63.5kg, wuxuuna siday 73 xabo oo ukun ah.

Ma'uuliyiinta beerka ayaa laga soo xigtay in maskaan halis ku ahaa duurjoogta kale ee gobolka ku nool.

"Waxaan erinay mas kale oo lab ah kaasi oo quudun jiray … waxaana helnay midaan dhediga ah," ayuu yiri mid kamid ah mas'uuliyiinta.

Gobolka Florida iyo guud ahaan Mareykanka ayaa ah meel aad looga fiijiyo maska, maadaama ay khatar ku yihiin nolosha naas-leyda kale.

Tobanaan kun oo maska loo yaqaano Burmese ayaa iyada oo ay tani jirto waxaa la qiyaasayaa in ay ku nool yihiin kaliya gobolka Florida taasi oo ay wehliso in ay jirto cabsida laga qabo in ay dhibaato geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM