Sidey shukulatadaan u tahay mid salka ku haysa midab-takoor?

Image

LONDON, UK – Tukaan ku yaalla magaala madaxda dalka Ingiriiska oo iibiya macmacaanka ayaa lagu eedeeyay heeb-sooc kadib markii uu saarey saddex shukulaato uu magacyo u kala bixiyay.

Shukulaatada oo lagu magacaabo "Waitrose Trio of Chocolate Easter Ducklings" ayaa ka sameysan caano iyo nooc madow oo kamid ah Shukulaatada.

Magacyada loo kala bixiyay ayaa ah Dheecaan, Qaleel iyo Fool-xumo, taasi oo ay ka caroodeen dad badan oo ku xiran bakhaarka Waitrose.

Dadka naqdiyay wax soo saarkaan ayaa su’aal ka keenay sababta shukulaatada madow loogu bixiyay Fool-xumo.

"Haweenay waan waxba garan ayaa oraneysa 'tan ma ahan mid aanan sax ahan' waana ku raacsanahay, uma muuqato wax sax ah," ayuu qof kamida.

Tukaanka Waitrose oo ka fal-celiyay arrinkaan ayaa raali buuxda ka bixiyay, waxaana gebi ahaanba uu badeecadiisa ka saarey Shukulaatadaasi.

"Waan ka qoomameynaynaa ... waxaana dib ugu soo celin doonaa suuqa kadib marka aan badalno," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Tukaanka oo warbaahinta loo diray.

Sheekaddaan ayaa hadal-heynteeda todobaadyadii u dambeeyay qabsatay baraha bulshadda gaar ahaan Twitter-ka, iyada oo dadku qaarkii ay ku tilmaameen mid loogu gafayo dadka madow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM