Silvia Romano oo "noqotay" safiirka Yurub ee la dirirka Islaam-naceybka

Image

ROMA, Italy – Silvia Romano, haweenaydii Al-Shabaab kasoo qafaalatay Kenya, mudada sanadka ahna lagu haystay Soomaaliya, ayaa ka qeyb-qaadanaysa mashruuc uu uruka Midowga Yurub kula dagaalamayo Islaam-naceybka.

Jariirada afka dheer ee La Repubblica ayaa talaabadan ku macneeyay in Silvia ay noqontay danjiraha qaarada Yurub ee la dagaalanka Islaam-naceybka.

Haweenaydan ayaa "si aan qasab ahayn" ku Islaamtay mudadii ay lahaystaha ahayd, waxaana ay magaceeda u bedelatay Caa'isha.

Mashruuca ay haweenaydan ka qeyb-qaadaneyso ayaa lagu magacaabaa YES, waxaana laga fulinayaan magaalada ay degan tahay ee Milan.

Ururo kale oo lagu kala magacaabo Fondazione L'Albero della Vita, Le réseau iyo Progetto Aisha ayaa ololahaan kaalin muuqata ka cayaari doona.

Waajibaadkooda ugu weyn ayaa wuxuu yahay in ay soo uruuriyaan macluumaad lagu taageerayo dadka la kulmay dhibaatooyinka faquuqa ku saleysan.

War qoraal ah oo lagu daabacay mid kamid ah ciwaanada Facebook ee ururadaas ayaa lagu sheegay in ay ku faraxsan yihiin la shaqeynta Caa'isha.

"Anagoo ah sideed ruux marka lagu daray Caa'isha waxaan uruurin doonaa kiisaska lasoo wariyo ee Islaam-naceybka iyo tabashooyinka, waxaana taageeri doonaa dhibaneyaasha la kulmay tacadigaas anagoo siin doona garab istaag sharci iyo mid maskaxeed," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Silvia Romano, 27-sano jir, ayaa dhankeeda la kulantay cunsuriyad badan markii ay dalkeeda dib ugu laabatay. Mas'uuliyiin ayaa kamid ahaa dadka weerarka dhanka baraha bulshadda ku qaadey, wallow ay ka cudur-daarteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM