Siyaasi shaashadaha kasoo muuqday isaga oo xabsi ka baxsanaya

Image

BOGOTA, Colombia – Haweenay siyaasi ah una dhalatay dalka Colombia ayaa kasoo muuqatay muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda, kuwaasi oo muujiyey iyadda oo ka baxsaneysa xabsi.

Aida Merlano, 43-jir 15-sano oo xabsi ah lagu xukumay bishii September, ayaa falkan waxay sameysay Talaadadii hore. Talaabadan waxay timid xili ay la balansaneyd dhakhtar.

Muuqaalka ayaa muujiyey in markii ay qolka soo gashay isla markaana askarigii ilaalada ka hayey uu mashquulay ay iska furtay daakhada kadibna ay ka boodey. Mooto u diyaar-saneyd ayaa sii waday.

Margarita Cabello, wasiirka Cadaaladda, oo eryay madaxii xabsiga, ayaa wuxuu faray in baaritaan lagu sameeyo dhacdadan oo noqotay mid hadalheyn xoogan ka buurtay dalkaas.

Sideed kamid ah shaqaalaha xabsiga ayaa sidoo kale shaqo joojin lagu sameeyay, talaabadaas oo qayb ka ah baadigoobka xaqiiqaddan arrintan oo madaxda dowladdu aad uga caroodeen.

Merlano oo xabsi u gashay in ay codad iibsatay doorashadii 2018-kii ayaa la balansaneyd dakhtarka ilkaha. Haweenaydan ayaa horey u soo noqotay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sarre.

Dowladda ayaa shaacisay in ay 14-kun oo Doollar ay siineyso cid walba oo keentay macluumaad lagu soo qaban karo Merlano oo aanan la ogayn halka ay cirib iyo jaan dhigtay illaa iyo hadda.

Xabsiyadda Colombia ayaa waxaa aad ugu badan baxsashadda. Tusaale ahaan sanadkii 1992-dii, waxaa faktay Pablo Escobar, oo ka macaasha maandooriyeyaha. Balse 18-bilood kadib waxaa lagu toogtay hoygiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM