Siyaasi u tartarmaya jago ra'iisul wasaare oo furaya xaaskiisa labaad

Image

LONDON, UK – Bileyska ayaa xaqiijiyey in uu wicitaan ka helay guriga Boris Johnson, siyaasiga ugu cad-cad in uu noqdo ra'iisul wasaaraha xiga ee UK kaasoo bedali doono Theresa May oo shaqada ka tagtay.

Wicitaankaasi ayaa wuxuu ka dambeeyay markii deriska ay maqleen dhawaqa muran xoogan oo u dhaxeysan Johson iyo lamaantiisa.

Booliska ayaa shaaciyey in koonfurta London laga soo wacay aroortii Jimcaha, halkaasi oo ay kuwada nool-yihiin Johson iyo saaxiibtiis Carrie Symonds.

"Qofka nasoo wacay wuxuu muujiyey walwal badan. Balse markii aan tagtay goobta ma jirin wax dambi ah. Jawigana wuu xasiloonaa," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Bileyska London.

Afhayeenka Johnson ayaa wuxuu ka goos-adeegay dalabyo kala duwan oo ku aadan in uu ka hadlo dhacdadan.

Geesta kale, warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in Boris Johson uu furayo xaaskiisa labaad, Marina Wheeler.

Johson iyo Marina Wheeler ayaa waxay nolosha wadaagayeen muddo 25-sano ah, iyada oo aanan la ogeyn sababta ka keentay kala tagooda.

Dhacdadan reerka siyaasigan ayaa lasoo wariyey saacado kadib markii loo magacaabey in uu u tartamayo wareega kama dambeysta ee xilka ugu sareeya Boqortooyadda Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM