Soomaali ku dhimatay dab qabsaday daar ku taala Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Shan ruux ayaa ku geeriyootay tirro kelana waxaa la dhigay Isbitaal markii dab uu qabsaday daar ku taala Cedar-Riverside, magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Ma cadda sababta keentay dabka ka kacay dhismaha oo ah mid aad u dheer. Balse, kuwa kale oo horey uga kacay magaaladda waxaa keenay Gaas.

Baaritaan ay fulinayaan hay’adda ku shaqadda leh ayaa waxaa ku socda sababta dhalisay in uu yimaado dabka.

Dadka dhintay waxaa ku jira Soomaali, iyadda oo ay qayb ka tahay haweenay. Maamada waxaa la sheegay in ay saarneyd dabaqa 14aad.

Dadka laga soo badbaadiyey musiibadda ayaa daboolka ka qaadey in gaadiidka dab-damiska ay kasoo daaheen meesha ay wax ka dhaceen, taas oo dhalisay in khasaaraha uu intaas gaaro.

Xildhibaan Maxamuud Nuur, oo ka tirsan xeer-dejinta Minneapolis, oo ah meel ay Soomaalidu aad ugu badan tahay, ayaa sheegay in dabka uu soo laab-laabtey ayna wax ka qaban doonan.

Jacob Frey, duqa magaaladda, ayaa tacsi u diray dhamaan eheladda dadka ku naf-waayey dhacdadan aadka xanuunka badan, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

Dhacdooyinka la xiriira dabka ayaa aad ugu soo badanaya dunida sanadihii lasoo dhaafay, waxaana seynisyahanadda ay u aaneenayaan isbedelka baaxadda leh eek u dhacaya cimiladda aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM