Soomaali lagu helay dambi uu ciqaab adag ku muteysan karo

Image

WASHINGTON, US – Maxkamad ku taala degmada Woodbury ee hoostagta magaaladda New York, dalka Mareykanka, ayaa dambi ku heshay shaqsi Soomaali ah oo lagu eedeeyay dilka saaxiibkii.

Cilmi Saciid ayaa loo haystaa in uu Toorey ku khaarijiyey Guuleed Nuur, 23-ka bishii October ee sanadkii hore. Saciid wuxuu qirtay dambiga, balse waxa uu ku doodey in uu nafsadiisa difaacayey.

Maxkamadda ayaa u muddeysay in ay xukun ku ridi doonto Saciid 1-da bisha November 2019. Dambiga ku cadaadey oo ah in uu si kama' ah naf-ku-gooyey wuxuu ku muteysan karaa tooban sano oo xabsi ah.

Sidda ay qareenadiisa u sheegeen maxkamadda, Saciid ayaa wuxuu nolosha u dhaafiyey Nuur kadib markii ku murmeen Cunto iyo Qamri.

Nuur ayaa waxaa lasoo warinayaa in markii loo diiday in la siiyo Cuntada iyo Qamriga uu Saciid dharaar cad ugu doodiyey in uu dili doono.

"Maalmo kadib muranka, Kijadda ayuu aadey wuxuuna soo laabtey isaga oo wax gacanta ku sita, balse wuxuu ahaa mid aad u cabsan, mana kala aqoon waxa uu sameynayo," ayay u sheegeen xeer-beegtadda.

Faduumo Cabdi, marwadii hore ee Saciid oo u sheegtay garsooreyaasha in seygeedii hore uu si xad-dhaaf ah u isticmaalo Qamriga marka uu shaqada ka yimaado ayaa dhacdada kadib ka carartay hoyga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM