Soomaali loo haysto dilka saaxiibkii oo la maxkamadeynayo

Image

WASHINGTON, US – Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu wadaa in Talaadada soo aadan maxkamadda lagu soo taago gobolka Lowa ee waddanka Mareykanka.

Cilmi Saciid ayaa loo haystaa dilka shaqsi la sheegay in ay saaxiibo ahaayeen, kaasi oo uu ku khaarijiyey Mindi [Toorey] bishii lasoo dhaafay ee October.

Marxuumka ayaa la tilmaamay in ay hal qof wada degnaayeen Cilmi. Eedeysanaha wuxuu laba jeer ka been-sheegay magaciisa, sida laga soo xigtay dacwad-oogeyaasha.

Aqoonsigiisa ayaa waxaa la sheegay in uu ugu qornaa magaca Cabdiqadar Shariif, balse kolkii dambe uu boolisku ogaadey in la yiraahdo Cilmi Saciid.

Dacwadda dilka ee lagu soo eedeeyay oo ah tan heerka labaad ayaa waxa uu ku muteysan karaan xukun ka koban shan sano oo xabsi ah.

39-sano jirkan ayaa booliska u sheegay in uusan ku talogal ka ahayn, balse sheegashadaasi waxaa ku gacan-seyray xeer-ilaalinta.

Sikastaba ha ahaatee, maxkamadeynta ruuxan oo heer gaba gabo ah mareysay ayaa la filayaa in go’aankeeda uu muddo qaato.

Soomaalida qaxooti ahaan Mareykanka ku degan gaar ahaan dhalinyaradda oo shaqo la’aan ay hareysay ayaa sababta in ay ku kacaan fal-dambiyeedyo culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM