Soomaaligii turjumaanka u ahaa hay'adda FBI-da oo dambi culus qirtay

Image

WASHINGTON, US – Nin horey turjumaan ugu ahaa hay'adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da kaasoo lagu eedeeyay in uu qariyey xiriirada dad looga shakisan yahay argagixisinimo ayaa qirtay in uu fasiraad qalad sameeyay.

Cabdirisaaq Wehliye oo degan Virjina, ayaa maxkamad la geeyay Jimcadii. Dacwad oogeyaasha ayaa kusoo oogey todoba dacwadeed oo ay kamid tahay in uu carqalad ku noqday baaritaano muhiim ah oo ku socday shaqsiyaad.

Dacwad oogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in kiiska Wehliye uu ka fog-yahay "shil". Sanadkii 2016-kii ayaa lagu qabtay isaga oo la hadlaya xubin lagu daba jiro.

Eedaha loosoo jeediyay waxaa ku jira in uusan diiwaan geliyay fariin cod ah oo la reebay taas oo uu ku tilmaamay "nin aan la aqoon". Balse waxaa cadaatay qofkaas uu isagu ahaa.

Si lamid ah ma diiwaan gelin in uu ugu talogalay. Xeer-illaalinta ayaa tilmaamtay markii Wehliye wax laga waydiiyey arrintaan in uu dafiray. Balse wuxuu qiray in uu garanayo qofka. "Balse uma aqaano si fiican".

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, Wehliye ayaa kadib qirtay dambiga. Wuxuu tibaaxay in ay is yaqanaan ayna wada xiriirayeen tan sanadkii 2010-kii.

Ruuxa lagu qabtay kaasoo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaa looga shakisan yahay in uu yahay ruuxa koowaad ee Ameerika ku nool kaas oo dadka ku dhiirogeliya in uu u saftaan Soomaaliya kuna biiraan Al-Shabaab.

Dambiga uu qirtay Cabdirisaaq Wehliye ayaa lagu sheegayaa in ay yihiin kuwa aad u culus. Sidda ay sheegeen sharci yaqaanadda, wuxuu wajihi karaa xukun xabsi oo aad u dheer. Tiradda waxay u dhaxeysaa 10 illaa iyo 30-sano oo xarig ah.

Wehliye ayaa mar sii horeysay waxaa xabsi loo dhigay in wiilkiisa uu taageero kooxda la magac baxda Dowladda Islaamka, taas oo Mareykanka dhowaan hogaamiyeyaheeda Abuubabar Al-Baqdaadi ku dilay dalka Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM