Spain: Huteelada oo noqdey Isbitaalo xili ay korortay tirada geerida COVID19

Image

MADRID, Spain – Xili ay aad u sareyso suurtagalnimada in ay kororto, wasaarada caafimaadka Spain ayaa xaqiijisay in tirada dadka waddankaas ugu dhintay Coronavirus ay maanta gaartay 1,004 oo ruux.

Kiisaska xanuunkaan ee laga diiwaan-geliyey dalkaas ayaa mareysa in ka badan 19-kun, waxaana laga cabsi qabaa in ay badato.

Spain waa qaranka labaad ee dhaca qaarada Yurub ee sidda ba'an uu u aafeeyay COVID –19, marka laga soo tago Talyaaniga.

Dhanka kale, huteelada magaalooyinka Spain oo noqdey isbitaalo ayaa la ciir-ciiraya bukaanada oo u badan dadka da'da ah.

Dowladda ayaa ku dhawaaqdey xaalad deg-deg ah, iyaddoo shacabka lagu tartarsiiyey in ay baaqi ku ahaadaan gurigooda.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa hogaamiyeyaasha caalamka ku boorisay in ay si wadajir ah ula dagaalamaan cudurka isla markaana meel leyska dhigo xaaladaha siyaasadeed ee taagan.

Ku dhowaad 11-kun oo ruux ayaa dunida oo dhan ugu geeriyootay caabuqaas si deg-deg ah u faafa isla markaana kasoo bilowday bartamah China, iyaddoo kiisaska la hubiyey ay ka badan yihiin 130-kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM