Sri Lanka oo amar kusoo rogtay dumarka Muslimiinta kadib qaraxyo

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Dowladda Sri Lanka ayaa gebi ahaanba mamnuucday dharka ay dumarka isku dedaan si aan jirkooda loo arkin ee loo yaqaano Burqas-ka.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in sababta ay tahay in uu halis ku yahay amaanka iyo shacabka wadankaasi.

Tani ayaa ka dambeysay markii qaraxyo ay gil-gileen wadankaasi ay ku naf-waayeen in ka badan 300 ruux oo Masiixiyiin ah.

Go’aanka uu madaxwaynaha dalkaasi soo saarey ayaa guud ahaan Sri Lanka ka dhaqan-galaya maanta oo Isniin ah.

Booliska ayaa sheegaya koox mitidiin maxali ah ay ka dambeyso weeraradaasi xili Daacish ay qayb ka sheegatay.

Tan iyo markii uu dhacay falkaasi waxaa Sri Lanka la geliyay xaalad degdeg ah, iyadda oo socdeen howlgalo lagu beegsanayo dadka laga shakisan yahay.

Jimcadii Booliska oo ku duulay hoyga mid kamida raga is-qarxiyey ayaa toogasho ku dilay Aabaha iyo laba wiil oo la dhalay Is-miidaamiyaha.

Ururadda u dooda Muslimiinta ayaa ku tilmaamay amarka madaxtooyada mid lagu beegsanayo dad gaar ah, iyagga oo cambaareeyay.

Dalka Sri Lanka ayaa waxaa ku badan dadka haysta diinta Budhiistaha xili Muslimiinta ay ka yihiin 9.7% waana bulshada ugu yar ee halkaasi ku dhaqan.

Burqas-ka waa nooc kamida dharka ay dumarka Aasiya xirtaan, kaasi oo kaliya indhahooda laga arkayo, iyadda oo inta kale oo jirkooda kamida uu daahsoon yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM