Su'aal la geliyey xaalka Trump markii uu la kulmay mas'uul qaba Corona

Image

WASHINGTON, US – Mas'uul ka tirsan dowlada Brazil oo Sabtidii la kulmay madaxweynaha Mareykanka ayaa Khamiista maanta ah lagu dhawaaqay in laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Donald Trump iyo Fabio Wajngarten ayaa isku-gacan-qaadey kulan rasmi ah oo ka dhacay ismaamul goboleedka Florida.

Wajngarten, oo hubin dheeri ah loo diray, ayaa ah xoghayaha warfaafinta ee madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro.

Luiz Henrique Mandetta, wasiirka caafimaadka Brazil, ayaa daboolka ka qaadey in si lamid ah ay baari doonan xaalada madaxweynaha.

Dhanka kale, Trump oo ka falceliyey warkaan ayaa ku adkeystay in uusan wax walwal ah ka qabin xaaladda soo korodhay.

Warbaahinta Mareykanka oo su'aal gelisay badqabka Trump ayaa hoosta ka xariiqdey in cabsida cudurkaan ay aad ugu faaftey dalkaas.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay soo ifbaxdey in Trump uu diidey in laga baaro Coronavirus markii looga shakiyey in uu la kulmay ruux la nool cudurkaas.

Iyadoo Shiinaha uu yahay wadanka laga soo wariyey kiisaska iyo geerida ugu badan ee ka dhashay xanuunka, Coronavirus ayaa illaa iyo haatan  galaaftay nolosha in ka badan afar kun oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM