Shaqaalaha Facebook oo heley furayaasha ciwaanada malaayiin qof

Image

Fureyaasha sirta ah ee malaayiin qof oo Facebook isticmaala ayaa waxaa gacanta ku dhigay illaa 20,000 oo shaqaale oo ka tirsan shirkadda Facebook si aan sharci ahayn, islamarkaasna aysan ka warheynin dadkii lahaa.

Cilmi-baaraha xagga amniga Internetka Brian Krebs ayaa markii koowaad baahiyay ku xadgudubka xogta gaarka loo leeyahay, taas oo quseysa illaa 600 milyan oo qof.

Fureyaasha sirta ah ee shaqaalaha shirkadda ay heleen ayaa ciwaanadooda qaar la abuuray sannadkii 2012-kii.

Waxaa la sheegay in ay dhacday in shaqaalaha ay gudaha u galeen ciwaanada, islamarkaasna kaydsadeen fureyaasha.

Iyada oo loo jawaabayo Mr Krebs, Injineerka Facebook Scott Renfro ayaa sheegay in baaritaanka uu biloowday kadib markii la ogaaday in aanan laga tagin wax raadad ah oo ku saabsan in wax la haleeyay.

Facebook ayaa sheegtay in ay cilladda ogaatay bishii Janaayo xilli la samaynayay dib u eegista muddeysan ee lagu sameeyo tayada adeegyada.

Baaritaanka arrintaan wuxuu muujiyay in dadka badidoodu ay saameynta ku yeelatay ay ahaayeen isticmaalayasha adeegga Facebook Lite, taas oo u eg in loo adeegsado waddamada ay internet koodu daciifka yahay, xawaarahoduna gaabiyo.

"Waxaan qiyaasaynaa inaanu u diggi doonno boqolaal malyan oo ah dadka isticmaala Facebook Lite, tobanaan malyan oo kuwa isticmaala Facebook iyo tobanaan kun oo Instagram isticmaala," ayay shirkaddu u sheegtay warbahinta Reuters.

Warkan ayaa waxa uu soo afmeerayaa muddo dheer oo uu shirkadda dhib ka haystay xagga cillad bixinta iyo sida ay u illaaliso xogta shaqsiga ah.

Bishii Sebtembar ee sannadkii hore, waxa ay sheegtay in xogta 50 malyan oo qof oo isticmaala si khaldan ama kama' ah lagu soo bandhigay sababo la xiriira cillad qabsatay hannaanka sugista amniga internetka.

Horraantii sannadka 2018 waxay shaaca ka qaadday in malaayiin qof oo isticmaala facebook ay xogtooda ay ka macaashtay shirkadda xayaysiiska iyo adeegyada xiriirka dadweynaha ee Cambridge Analytica.

BBC

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM