Tahriibeyaal ay Soomaali ku jiraan oo ku leeday doon qalibmatay

Image

TUNIS, TUNISIA - Doon ay saarnaayeen dad ka badan 80 ruux oo isugu jiray qaxooti iyo tahriibeyaal ayaa ku qalibtay badda Mediterranean gaar ahaan meel ka baxsan xeebaha dalka Tunisia.

Ku dhowaad 70 ruux oo isugu jira rag, dumar watay caruur yar-yar loona maleynayo in ay dad Soomaaliyeed kamid yihiin ayaa ku naf-weysay shilkaasi argagax leh.

Hay’adda ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Aduunka ayaa shaacisay in 16 qof oo la soo badbaadiyey musiibadaasi laga soo saarey biyaha.

"Waa mid kamida dhacdooyinkii ugu xumaa ee bilooyinkii lasoo dhaafay ka dhacay Mediterranean," ayay UNHCR ku tiri war-saxaafadeed ay Jimcadii soo saartay.

Vincent Cochetel, ergayga hay’addaan u qaabilsan baddaasi u dhaxeysa Yurub iyo Afrika ayaa sheegay in shilkaan "naxdinta leh" uu muujinayo halista ay leedahay in laga gudbo baddaasi.

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay hay’adda socdaalka aduunka ee IMO, kaliya afar meyd ah ayaa illaa iyo haatan laga soo saarey biyaha xili ay socdaan baadigoob dad kale.

Mediterranean oo lagu tilmaamay baddaha laga talaabo tan ugu dhimashada badan ayaa maalin kasta oo kamida sanadkii 2018-kii waxaa ku dhintay lix qof oo isugu jira qaxooti iyo muhaajiriin Yurub kusii jeeday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM