Taliban oo ku qulqulaysa dalka Shiinaha

Image

China ayaa wufuud ka tirsan Taliban ku casuuntay inay ka qeyb-galaan shirka Afghanistan ee ka dhacaya magaalada Beijing, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.

Casuumadda China ayaa timid kadib markii heshiis la filayey inuu dhex-maro Mareykanka iyo Taliban uu burburay bishii tagtay.

Afhayeenka siyaasadda Taliban, Suhail Shaheen ayaa twitter-ka ku sheegay in Mullah Abdul Ghani Baradar oo ka mid ah aas-aasayaasha kooxda uu diblomaasiyiin Shiinees ah kula kulmay magaalada Doha, oo kooxda ay ku leedahay xafiis siyaaasadeed.

“Labada dhinac waxay ka doodeen shirka Afghanistan ee dhowaan ka dhacaya Beijing iyo arrimo la xiriira xal u helidda dhibaatada Afghanistan” ayuu Shaheen qoray.

Waxa uu sidoo kale goor dambe u sheegay wakaaladda wararka AFP in shirka uu dhacayo 29-ka illaa 30-ka October.

“Dhammaan ka qeyb-galaayasha waxay shirka u tagi doonaan si shakhsi, waxayna soo bandhigi doonaan fikradahooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada Afghanistan.” Ayuu yiri Shaheen.

Bishii tagtay, madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay wada-hadallo u socday Mareykanka iyo Taliban kadib markii qarax ay fuliyeen Taliban lagu dilay dad uu ka mid ahaa askari Mareykan ah.

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM