Taliban oo ku qulqulaysa dalka Shiinaha

Image

China ayaa wufuud ka tirsan Taliban ku casuuntay inay ka qeyb-galaan shirka Afghanistan ee ka dhacaya magaalada Beijing, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.

Casuumadda China ayaa timid kadib markii heshiis la filayey inuu dhex-maro Mareykanka iyo Taliban uu burburay bishii tagtay.

Afhayeenka siyaasadda Taliban, Suhail Shaheen ayaa twitter-ka ku sheegay in Mullah Abdul Ghani Baradar oo ka mid ah aas-aasayaasha kooxda uu diblomaasiyiin Shiinees ah kula kulmay magaalada Doha, oo kooxda ay ku leedahay xafiis siyaaasadeed.

“Labada dhinac waxay ka doodeen shirka Afghanistan ee dhowaan ka dhacaya Beijing iyo arrimo la xiriira xal u helidda dhibaatada Afghanistan” ayuu Shaheen qoray.

Waxa uu sidoo kale goor dambe u sheegay wakaaladda wararka AFP in shirka uu dhacayo 29-ka illaa 30-ka October.

“Dhammaan ka qeyb-galaayasha waxay shirka u tagi doonaan si shakhsi, waxayna soo bandhigi doonaan fikradahooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada Afghanistan.” Ayuu yiri Shaheen.

Bishii tagtay, madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay wada-hadallo u socday Mareykanka iyo Taliban kadib markii qarax ay fuliyeen Taliban lagu dilay dad uu ka mid ahaa askari Mareykan ah.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM