Taliye cusub oo loo magacaabay ciidamadda xulka ah ee Iran

Image

TEHRAN, Iran – Hogaamiyaha sarre ee Iiraan ayaa magacaabay taliyaha cusub ee ciidamadda xulka ah ee waddankaas kadib dilkii Jeneraal Qassem Soleimani, oo ku dhintay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Ciraaq.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku xigeenkii Soleimani oo lagu magacaabo Esmail Ghaani u xushay jagadda taliyaha guud.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Ali Khamenei ayaa lagu sheegay in geerida Soleimani "aysan u dhutin doonin Iiraan".

Guutada ciidamadda xulka ah ee Iiraan oo loo yaqaano Quds Force ayaa hagi jiray siyaasadda xukuumadda Tehran ee Bariga Dhexe.

Qassem Soleimani ayaa lagu waramayaa in uu ahaa shaqsiga labaad ee ugu awooda badan hogaanka kacaanka Iiraan.

Ghaani ayaa noqday taliye ku xigeenka sanadkii 1997-dii, xilligaas oo Soleimani qudhiisa laga dhigay Jeneraalka ugu sareeya.

2017-kii, Ghaani ayaa yiri "Donald Trump wuxuu khatar ku yahay waxyeeladda ay Iiraan dooneyso in ay u geysato Ameerika…waan aasney kuwa badan sida Trump, waan garaneynaa sidda loola dagaalamo Ameerika".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM