Taliye cusub oo loo magacaabay ciidamadda xulka ah ee Iran

Image

TEHRAN, Iran – Hogaamiyaha sarre ee Iiraan ayaa magacaabay taliyaha cusub ee ciidamadda xulka ah ee waddankaas kadib dilkii Jeneraal Qassem Soleimani, oo ku dhintay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey Ciraaq.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku xigeenkii Soleimani oo lagu magacaabo Esmail Ghaani u xushay jagadda taliyaha guud.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Ali Khamenei ayaa lagu sheegay in geerida Soleimani "aysan u dhutin doonin Iiraan".

Guutada ciidamadda xulka ah ee Iiraan oo loo yaqaano Quds Force ayaa hagi jiray siyaasadda xukuumadda Tehran ee Bariga Dhexe.

Qassem Soleimani ayaa lagu waramayaa in uu ahaa shaqsiga labaad ee ugu awooda badan hogaanka kacaanka Iiraan.

Ghaani ayaa noqday taliye ku xigeenka sanadkii 1997-dii, xilligaas oo Soleimani qudhiisa laga dhigay Jeneraalka ugu sareeya.

2017-kii, Ghaani ayaa yiri "Donald Trump wuxuu khatar ku yahay waxyeeladda ay Iiraan dooneyso in ay u geysato Ameerika…waan aasney kuwa badan sida Trump, waan garaneynaa sidda loola dagaalamo Ameerika".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM

Safarka JD Vance ee Switzerland oo dib u dhacay, iyadoo xiisado cusub ay hareeyeen heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Vance ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan u difaacayay heshiiska ay kala…

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 07:19AM