Taliyeyaal ay dayacday Kenya oo go’aan saday in ay is-dilaan

Image

NAIROBI, Kenya – Laba taliye ciidan oo ka howlgasha ismaamul goboleedka Murang ee Kenya ayaa go’aan satay in ay is-dilaan balse waa la badbaadiyay.

Mid kamid ah saraakiisha ayaa cabay sun halis ah, halka kale la xiray isaga fal sidaasi oo kale ah ku dhaqaaqi raba. Sarkaalka suntan cabay isbitaal ayaa la geeyay.

Tani ayaa ka dambeysay markii lagu eedeeyay in aysan kasoo muuqan diiwaan-gelinta ciidamada, ayna xiligaasi ku maqnaayeen cabista maandooriye.

Saraakiisha ayaa lagu eedeeyay in ay ka doorbideen diiwaan-gelinta tegista goob lagu caweeyo, halkaasi oo ay maandooriye ku isticmaalayeen.

Hasayeeshee, dhinacooda waxay ku adkeysanayaan in ay dowladdu dayacday isla markaana aysan ka helin daryeelkii ay u baahnaayeen.

Mas'uuliyiinta degaanka ayaa dacwad ku aadan in ay dayaceen shaqadii laga rabay kusoo oogay saraakiisha, inkasta oo ay beeniyeen.

Maxkamada ayaa go’aamisay in bisha June la dhageysan doono kiiskaan kahor-na saraakiisha xarun dhaqan-celin la geeyo.

Kiiskaan ayaa ah mid kamid ah kuwa ugu hadalhaynta badan todobaadkaan ee wadanka Kenya, iyada oo laga dhowrsugayo sida uu kusoo idlaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM