Tirada dadka uu Covid-19 ku dilay Mareykanka oo ku dhow 130,000

Image

WASHINGTON, US – Tirada dhimashada Covid-19 ee Mareykanka ayaa qarka u saaran in ay gaarto 130,000 xilli waddankaan uu soo koobay dabaaldegyadiisa maalinta Xoriyadda ee Julaayo 4-teeda, 2020.

Kiisaska ayaa ka badan 2.8 milyan, iyaddoo gobolada Florida iyo Texas ay maalin qura diiwaan-geliyeen ku dhowaad 20-kun oo xaaladood, taas oo walaaca dadweynaha gaarsiisay meel aad u sareysa.

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada uu sidda ba'an u aafeeyay xanuunka gaar ahaan dhaqaalaha wuxuu marayaa heer hoose, arrintaas oo cadaadiska ku kordhineysa maamulka Donald Trump.

Guud ahaan caalamka, kiisaska ayaa maraya 11.18 milyan, halka 6.03 milyan oo bukaano ah ay bogsadeen xilli 528,000 ruux ay u dhinteen, sidda ay ka dhawaajisay Jaamacadda Johns Hopkins.

Dhanka kale, hay'adda caafimaadka aduunka ayaa sheegtay in ay meel wanaagsan mareyso baadigoobka daawada cudurkan faafa; dedaalada lagu doonayo in lagu soo saaro talaalka ayay xustay in ay waddo.

Tobanaan shirkado, hay'addo iyo machadyo ayaa ku lug leh dedaalada ay maalgelinayaan qaar kamid ah dowlada caalamka.

Ugu dambeyntii, Brazil ayaa xaqiijisay in kiisaskeeda Coronavirus ay dhaafeen 1.5 milyan isla markaana dhimashadda ay ku dhow-dahay 65,000, waxaana ay amar ku bixisay in la bixiyo maqaayadaha iyo jiimamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM