Tiradda dhimashada banaanbaxyadda dalka Ciraaq oo korodhay

Image

BAGHDAD, Iraq – Ugu yaraan shan ayaa ku geeriyootay, tirro kalena way ku dhaawacmeen kadib bananabaxyo waaweyn oo todobaadyo gilgilaya Ciraaq.

Geerida mudaahadarayaasha oo laga soo wariyey magaalooyin kala duwan ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay ka dambeeyeen booliska.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey in dhaawaca uu hataan marayo 50, waxayna caddeeyeen in ay kasii badan karto intaas.

Dowladda oo qirtay in ay jirto dhimasho ay laamaha ammaanka sababeen ayaa waxay tilmaamtay in lala xisaabtami doono cidda ka dambeysay.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo xigtay mas'uuliyiinta in ay jiraan askar loo xir-xiray dhacdooyinkii u dambeeyay.

Ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka ku saabsan dhimashadda banaanbaxayaasha iyo qabashada askarta.

Dibad-baxyadda Ciraaq ayaa la rumeysan yahay in ay salka ku hayaan musuqmaasuq xargaha goostay iyo xukuumadda oo aan adeegyadda daadejin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM