Tiradda Soomaalida ee 2018-kii dhalashada laga siiyey Finland

Image

HELSINKI, Finland – Xog uruurin cusub oo ay soo bandhigtay dowladda Finland ayaa lagu fahfaahiyey tiradda ajaaniibta dalkaasi dhalashada ka helay 2018-kii.

Soomaalida dhulkooda hooyo uga tegay si ay nolol wanaagsan u helaan ayaa kamid noqday shisheeyaha ugu badan ee dib u dejinta joogtada hantay.

Marka laga hadlo tiradda guud ayaa waxay gaareysaa 9,211. Tani waxay ka hooseysaa sanadkii kasii horeeyay 2017-kii oo ahaa 12,219.

Isku cel-celis ahaa dadkaasi ayaa waxay da'dooda u dhaxeysaa 28, kuwaasi oo 4,876 dumar yihiin; 4,335 waa rag.

Sidda ku xusan warbixinta, Soomaalida wadankaasi dhalashada ka helay sanadkii hore, ayaa waxay tiradoodu tahay 856 shaqsi.

"97% dadka codsiyadooda la aqbalay [ee dhalashada helay] waxay sii haystaan dhalashooyinkoodii hore," ayay warbixintu tiri.

Dhamaadka sanadkii hore 2018-ka, waxaa la diiwaan-geliyay 126,000 oo helay deganaanshiyo rasmi ah ay haystaan laba dhalasho.

Wadar ahaan 21,757 waxay ku dhasheen Finland, halka 104,086 oo kamid ahna ay ka yimaadeen wadamo kale kadibna la siiyey Baasaboorka.

Ugu dambeyntii, kooxaha ugu badan ee labada dhalasho gacanta ku haysta ayaa waxay kasoo kala jeedaa qaramadda; Ruushka, Sweden iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM