Tiradii "ugu badneyd" dad isku qoys ah oo ku dhintay shil gaari

Image

ABU DUBAI, UAE - Ugu yaraan 17 ruux oo isku qoys ah ayaa ku dhimatay, tirro kalena way ku dhaawacmeen markii shil gaari ay ku galeen magaaladda Abu Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.

Sidda uu sheegay booliska, 13 kamid ah dadkaasi geeriyooday ayaa la xaqiijiyey in ay kasoo wada jeedeen hal qoys waxayna gebigoodba saarnaayeen hal gaari oo bas ah.

Dadkaan ayaa ku guda jiray dabaaldega munaasabadda Ciidul Fidriga, taasoo ay haatan u muuqato in ay isku bedashay murugo.

Tiro dad ah oo ka badbaaday musiibadani oo tobanaan gaaraya ayaa ALLE u mahadceliyey, iyaga oo ka sheekeeyay xusuuso naxdin leh.

Laba iyo tobban kamida dadka geeriyooday ayaa kasoo jeeda Hindiya halka mid kale uu u dhashay waddanka Pakistan, iyado tirada kale aanan wali la aqoonsan.

Shilkaan ayaa noqonayaa mid kamida kuwii ugu foosha xumaa ee soo mara taariikhda waddanka Imaaraadka Carabta, kaasoo sanad kasta ay u dalxiis tagaan malaayiin ruux oo caalamka isaga kala yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM