Tobanaan lagu xasuuqay qaraxyo lagu weeraray Masjid ku yaala Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan – Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay, 33 kelana way ku dhaawacmeen markii qaraxyo lagu weeraray Masjid ku yaala gobolka Nangarhar ee Afghanistan.

Weerarkan ayaa wuxuu dhacay intii lagu guda jiray Salaadii Jimcaha, sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta iyo saraakiisha dhanka ammaanka.

Bukaanadda iyo dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah caruur, sidda ay shaacisay Qaramadda Midoobay oo warbixin soo saartay.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysay ayaa carabka ku adkeysay in ay aad u cambaareyneyso falkan, una rajeneyso bukaanadda soo kabasho degdeg ah.

Wadar ahaan dadkii ku sugnaa Masaajidka ee cibaadeysanayey ayaa waxaa la sheegayaa in ay tiradoodu gaarayeen ku dhowaad 400 oo Muslimiin ah.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, waxaase lagu eedeeyay in ay ka dambeysay Taalibaan oo aan ka jawaabin.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in weeraro loo adeegsado qaraxyo lagu qaadey Masaajid ku yaala wadankan ay colaaduhu la dageen iyo meelo kale oo dunida ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM