Tobban madfac oo lagu garaacay saldhiga ciidamada Mareykanka

Image

BAQHDAD, Iraq – Saldhig milatari oo ku yaala Ciraaq, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin ciidamo Ameerikaan ah, ayaa lagu waramay in caawa oo Arbaco ah lagu weerar tirro hoobiyeyaal ah.

Wakaalada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu ayaa baahisay in madaafiicda ay tiro ahaan gaarayeen illaa iyo tobban xabo.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Ciraaq oo dhacdada xaqiijisay ayaanan carabaabin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Xeradda la bartilmaameedsaday oo lagu magacaabo Al-Taji ayaa waxay ku taalaa meel 85 KM u jirta caasimadda Baqdaad.

Sidda ay wararku sheegayaan, nooca madaafiicda lagu garaacay saldhiga milatari waa Katyusha oo laga ganno baabuurta.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Si lamid ah, wali mas'uuliyiinta kama hadlin dhacdadaas.

Saldhiga milatari ee Al-Taji oo leh garoon ay ka duulaan diyaaradaha waxaa joogitaanka ugu badan ku leh askarta Mareykanka iyo Ciraaq, wallow ay ku wehliyaan kuwa kale oo xulafooda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM