Toogasho ay dad ku geeriyoodeen oo ka dhacday New York

Image

WASHINGTON, US – Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay markii toogasho ay ka dhacday goob ku taala magaaladda New York, sidda ay sheegeyso warbaahinta maxaliga ah ee Mareykanka.

Toogashadda oo Sabtidii lasoo wariyey ayaa ka dhacday Brooklyn. Tirro aan la cayimin ayaa ku dhaawacmay.

Taliska Booliska oo baaritaan bilaabay ayaa nan kala caddeyn waxay ahayd meesha ay wax ka dhaceen.

Illaa iyo haatan ma jiro tafaasiil dheeraad ah oo laga bixiyey falkan. Mana jirto cid lala xiriirinayo oo lasoo xiray.

Goobta dhacdada laga soo tabiyey ayaa xaaladeeda waxay kusoo noqotay si caadi ah, wallow kolkii hore ay ahayd mid jahwareer gashay.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa aad ugu soo kordhayey toogashooyinka oo wejiyo kala duwan leh – qaar ay geystaan caddaanka xagjirka ah iyo argagixisadda.

Dadka dhaliilsan xukuumadda hadda jirta ayaa ku doodaya in kororka ay sabab u tahay nidaamka qaadashada hubka oo dabacsan, iyaga oo soo jeediyay in aad loo adkeeyo si amniga loo sugo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM