Toogasho dad badan lagu laayey oo ka dhacday Mareykanka

Image
Image

WASHINGTONG, US – Ugu yaraan laba iyo tobban qof ayaa ku dhimatay tirro kale way ku dhaawacmeen ka gedaal markii toogasho wadareed ay ka dhacday xeebta gobolka Virginia ee wadanka Mareykanka.

Goobta ay mashaqadu ka dhacday ayaa sidoo kale waxaa ka akdhow dhismeyaal dowladeed sida xarunta maamulka gobolka iyo kuwa kale oo ay xiligaasi ka socotay howlo dowladeed.

Booliska ayaa xaqiijiyey in ninka dhibtaan geystay uu kamid ahaa shaqaalaha xeebta gobolkaasi halkaasi oo in muddo ah uu ka howlgalyey wallow aysan soo bandhigin magaciisa iyo sawirkiisa.

Madaxda gobolka oo arrintaan ka fal-celisay ayaa ku tilmaameen "fal naxdin leh" waxayna tacsi u diray dhamaan ehelada dadka geeriyooday, iyaga oo soo kabasho u rajeeyay kuwa dhaawaca ah.

Illaa iyo haatan ma kala cadda waxay salka ku hayso toogashadaan taasoo kamida taxano falal noocaan ah oo Mareykanka kusoo badanayey sanadihii lasoo dhaafay.

Tani ayaa kusoo aadeysa xili gudaha Mareykanka ay ka jirto dood ku saabsan xakameynta hubka, taasi oo dadka taageersan ay sheegayaan in ay tahay xalka kaliya ee loo yareyn karo falalka noocaan ah.

Tani waa toogashadii 150aad ee Mareykanka dhacda kaliya sanadkan 2019, sidda laga soo xigtay Gun Violence Archive, kaasoo diiwaan-geliya arrimaha rabshadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM