Trump iyo Xasan Ruuxaani oo lagu wado in ay kulmaan

Image

BIARRITZ, France - Waxyaalaha ugu waaweyn oo ka soo baxay kulankii wadamada dhaqaalaha ku horeeeya G7 ayaa noqdey in laga hadlo mustaqbalka xiriirka u dhexeyn doona Mareykanka iyo Iran.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa inta uu ku sugnaa wadanka Faransiiska shirka G7 waxaa uu sheegey inuu diyaar u yahay la kulanka dhigiisa Iran, Xasan Ruuxaan.

Donald Trump ayaa balan qaadey inuu deyn lacageed siin doono dalkaas cunaqabateynta adag saaran tahay si ay uga gudbaan dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta.

Madaxweynaha, Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xusey inuu isku dayayo inuu kulan isugu keeno labada dhinac asbuucyada soo socda si hoos loogu dhigo khilaafka u dhexeeya Washington iyo Tehran.

Kulankaas hadii uu qabsoomo ayaa waxaa uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee dhexmara labada dhinac tan iyo intii uu dhacey afduubkii 1979.

Khilaafka Iran iyo Mareykanka ayaa kor u karaar-qaatay markii Trump uu daaqada ka saarey heshiiskii caalamiga Nukliyeerka ee 2015 kadibna dib u soo celiyey cunaqbateyn saarneyd wadankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM