Trump: Kurdiyiinta ma ahan malaa'ig; PKK-na waxay ka xun tahay ISIL

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump, ayaa bogaadiyey go’aankiisa lama filaanka ee uu ciidanka Ameerikaanka kaga soo saarey Suuriya, isaga oo ku sifeeyay "mid qurux badan oo Istaraatiijiyeed".

Kurdiyiinta gulufka milatari ee balaaran kala kulmay dalka Turkiga ayaa waxa uu Trump ka dhawaajiyey "in aysan ahayn malaa'ig".

PKK – Xisbiga Shaqaalaha Kurdiyiinta – ee dagaalka hubeysan kula jira Ankara ayuu qeexay "in ay ka khatar badan yihiin halista argagixisadda ee ka imaaneysa kooxda la baxday dowladda Islaamka.

"Hadda PKK, oo qayb ka ah Kurdiyiinta, sida aad og-tahay, waxay ka xun yihiin argagixisadda, waxayna leeyihiin khatar argagixiso oo ka balaaran dhinacyadda ISIL," ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha.

PKK ayaa waxaa koox argagixiso ah u aqoonsan wadamadda Mareykanka, Midowga Yurub iyo dalka ay ka dagaalanto ee Turkiga.

"Uma socdo in aan ku lug-yeesho dagaalka u dhaxeeya Suuriya iyo Turkiga, gaar ahaan marka, hadii aad eegto Kurdiyiinta, mar kale aniga oo xormeynaya, iyagu ma ahan malaa'ig," ayuu daboolka ka qaadey Trump.

Ciidamada Dimoqraadiga ee Suuriya oo ay barataaraan Xoogaga Difaaca Kurdiyiinta ee YPG, ayaa la aas-aasey 2015-kii, waxayna ka caawiyeen Mareykanka gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka Daacish.

Xukuumadda Ankara ayaa shaaca ka qaadey in howlgalkeeda ka socda waqoyga Kuuriya uu ka dhan yahay YPG, oo ay u aqoonsan tahay koox argagixiso ah oo gacansaar la leh falaagada hubeysan ee loogu yeer PKK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM