Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Image

WASHINGTON — Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu bilaabi doono in uu ilaaliyo oo uu galbiyo maraakiibta ganacsiga ee ku xaniban marinka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, iyadoo xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan.

Trump ayaa sheegay in howlgalka uu bilaaban doono maanta, isaga oo ku tilmaamay mid “bani’aadannimo” oo lagu caawinayo maraakiibta dalal dhexdhexaad ah oo ku xayiran marinka muhiimka ah ee shidaalka adduunka.

Qorshahan ayaa yimid kadib weerarro lagu qaaday maraakiib iyo xanibaado ka jira marinka Hormuz, taasoo keentay in boqolaal maraakiib ah iyo kumannaan badmaaxayaal ah ay ku go’doonsamaan gobolka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale uga digay Iran in aysan faragelin howlgalka, isagoo xusay in wax kasta oo carqaladeyn ah si adag looga jawaabi doono.Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka

Dhanka kale, Iran ayaa si kulul uga hortimid qorshahan, iyadoo ka digtay in ciidamo shisheeye oo gala marinka ay la kulmi doonaan weerar, taasoo sii kordhisay cabsida laga qabo isku dhacyo militari oo cusub. 

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka, waxaana qalalaasaha ka taagan uu si weyn u saameeyay dhaqaalaha iyo maraakiibta caalamiga ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM