Trump oo amray xayiraad ka dhan ah mas'uuliyiinta maxkamad caalami ah

Image

WASHINGTON, US – Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii amray cunaqabateyn ka dhan ah mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah oo dacwad kusoo oogay ciidanka Mareykanka.

Kayleigh McEnany, xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad oo sheegtay in talaabadan ay qayb ka tahay siyaasadda Trump ee difaacida ciidanka iyo madax-banaanida Mareykanka, ayaa xayiraadda ku qeexday mid dhaqaale.

War-saxaaafdeed ayay ku shaacisay in mas'uuliyiinta ay si toos ah ugu lug-leeyihiin baaritaanka iyo dacwadda "ogolaanshiyo la'aan".

Qoyska mas'uuliyiintaas ayay ka dhawaajisay in ay saameynta xayiraadda oo sidoo kale qayb ka ah dhanka socdaalka dal ku galka ama fiisaha.

"Mareykanka wuxuu si ku celcelis ah uga soo horjeedaa maxkamadeynta Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah, waxaana talaabooyinka ay yihiin weerar ka dhan xuquuqda dadka Mareykanka iyo halis ka dhan ah madax-banaanida qaranka Mareykanka," ayay bayaanka daaha kaga rogtay.

McEnany oo ku nuux-nuuxsatay in Mareykanka uu dhowr jeer ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo ICC ayaa ku eedeysay in ay sii waddo "baaritaanadeeda siyaasadeysan ee ka dhanka ah Washington iyo xulafeeda".

"Waxaan ka walaacsanahay in waddamada cadawga ah ay adeegsanayaan maxkamadda dambiyada caalamiga iyagoo dhiirrigelinaya eedeymahaas loo soo jeediyay ciidamadda Mareykanka," ayay ku adkeysatay.

Sidda laga soo xigtay afhayeenka, maamulka Trump oo aaminsan in Xafiiska Dacwad-oogida ICC uu hareeyay "musuqmaasuq iyo maamul xumo" wuxuu su'aal ka qabaa baaritaanada lagu sameynayo ciidanka Marekanka.

Mas'uuliyiin ka tirsan ICC ayaa baaraya suurtagalnimada in ciidamadda Mareykanka ay dambiyo-dagaal ka geysteen dalka Afghanistan kadib markii warbixin soo baxday ay shaki abuurtay, wallow maamulka Trump uu diiday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM