Trump oo Farriimo Is Khilaafsan Diray, Shaki Ka Taagan Wadahadallada Islamabad
ISLAMABAD - Waxaa sii kordhaya shaki ku saabsan suuragalnimada wadahadallo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu bixiyay farriimo is khilaafsan oo ku saabsan tallaabooyinka xiga ee dalkiisa.
Trump ayaa sheegay in wali uu qorsheynayo inuu u diro wafdi wadaxaajood oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka JD Vance, si ay uga qeybgalaan wadahadallo lagu wado inay ka dhacaan caasimadda Pakistan Arbacada. Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa ku adkeysatay in aysan ka qeyb geli doonin wax wadahadal ah ilaa Washington ay dib u dhigto shuruudaha ay ku cadaadineyso Tehran.
Dhanka kale, Trump ayaa tilmaamay inuu “aad ugu yar yahay” inuu cusbooneysiiyo xabbad-joojinta marka ay dhamaato Arbacada, taas oo sii kordhinaysa walaaca diblomaasiyadeed.
Wadaxaajoodaha Iiraan iyo Afhayeenka Baarlamaanka dalkaas, Mohammed Bagher Qalibaf, ayaa ku qoray barta X in dalkiisu “uusan aqbalayn wadahadal lagu hoos galo hanjabaado,” isagoo intaa ku daray in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay diyaarinayso “kaarooyin cusub oo ay ka muujin doonto goobta dagaalka.”
Isniintii, Trump ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya inuu cadaadis kala kulmayo si uu heshiis ula gaaro Iiraan. Qoraallo uu ku daabacay Truth Social, ayuu ku sheegay inuu “si sax ah oo miyir leh” u adeegsanayo ciidanka Maraykanka si uu u “xalliyo dhibaatooyin ay ka tageen dad kale oo fahamkoodu yar yahay.”
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain, Yvette Cooper, ayaa ku tilmaantay xaaladda hadda jirta “waqti diblomaasiyadeed oo aad u xasaasi ah,” iyadoo la filayo in xabbad-joojinta laba toddobaad ah ee u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ay soo afjarto dhawaan.
Tan iyo markii uu bilaabmay iska horimaadka, ugu yaraan 3,375 qof ayaa lagu dilay Iiraan, halka in ka badan 2,290 qof ay ku dhinteen Lubnaan. Intaa waxaa dheer, 23 qof ayaa ku dhintay Israa’iil, in ka badan toban qofna dalalka Khaliijka, halka 15 askari oo Israa’iili ah lagu dilay Lubnaan iyo 13 askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen guud ahaan gobolka.
GAROWE ONLINE