Trump oo Ilhaan Cumar ku weeraray gobolkii laga soo doortay

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqallka Wakiilada Mareykanka, lagana soo doorto gobolka.

Trump oo aad u dhalleeceeyey Ilhaan ayaa ku celiyey eedeymaha ka dhanka ah ee ah inay u damqato kooxda Al-Qacida, ayna mas’uul ka ahayd hadallo naceyb oo ka dhan ah Yahuudda.

“Ilhaan Cumar waxay wax aan weyneyn kasoo qaadday weeraradii 11-kii September ee lagu dilay 3000 oo qof oo dadkeena ka mid ah, oo ay tiri ‘dad baa wax iska sameeyey’” ayuu yiri Trump.

Ilhaan oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u dhalleeceeya Trump ayaa horey u beenisay eedeymo noocaas ah oo uu Trump u jeediyey.

“Sida qof noocaas ah uu idinkugu matali karaa Minnesota” ayuu yiri Trump. “Aad ayaan idinkugu careysnahay dad yahow. Sharaf dhac ayey ku tahay dalkeenna.”

Ilhaan, oo ah gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah, oo kamid noqota Congress-ka Mareykanka ayaa waxay katirsan tahay Xisbiga Dimuqraadiga, waxayna aad u dhaliishaa siyaasadda maamulka Trump, taasoo ay ku yeelatay magac.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM