Trump oo Ilhaan Cumar ku weeraray gobolkii laga soo doortay

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqallka Wakiilada Mareykanka, lagana soo doorto gobolka.

Trump oo aad u dhalleeceeyey Ilhaan ayaa ku celiyey eedeymaha ka dhanka ah ee ah inay u damqato kooxda Al-Qacida, ayna mas’uul ka ahayd hadallo naceyb oo ka dhan ah Yahuudda.

“Ilhaan Cumar waxay wax aan weyneyn kasoo qaadday weeraradii 11-kii September ee lagu dilay 3000 oo qof oo dadkeena ka mid ah, oo ay tiri ‘dad baa wax iska sameeyey’” ayuu yiri Trump.

Ilhaan oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u dhalleeceeya Trump ayaa horey u beenisay eedeymo noocaas ah oo uu Trump u jeediyey.

“Sida qof noocaas ah uu idinkugu matali karaa Minnesota” ayuu yiri Trump. “Aad ayaan idinkugu careysnahay dad yahow. Sharaf dhac ayey ku tahay dalkeenna.”

Ilhaan, oo ah gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah, oo kamid noqota Congress-ka Mareykanka ayaa waxay katirsan tahay Xisbiga Dimuqraadiga, waxayna aad u dhaliishaa siyaasadda maamulka Trump, taasoo ay ku yeelatay magac.

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM