Trump oo ka hadlay cudur fara kulul ku haya Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horeysay ka fal-celiyay xanuunka jadeecada oo fara kulul ku haya dalkaasi.

Isaga oo dibadda Aqalka Cad kula hadlay wariyeyaasha ayuu kusoo bandhigay qaabka ay dadka Ameerikaanka ah uga badbaadi karaa cudurkaan.

"Talaalka waa mid aad muhiim u ah," ayuu tiri Trump, markii la waydiiyay qaabka kaliya ee looga hortagi karo.

Ku dhowaad 700 oo kiis xanuunka jadeecada ah ayaa kaliya sanadkaan laga soo wariyay dalka Mareykanka.

Waa markii ugu horeysay tobban sano kadib uu sare u kac noocaasi ah uu sameeyo cudurkaasi aadka halista u ah.

Inta badan xanuunkaan ayaa haleela caruurta, taasi oo sabab looga dhigay in awooda jirkooda oo ah mid daciif ah.

Hadalka Trump ayaa kusoo beegmaya iyadda oo uu socdo olale ka dhan ah xanuunkaan, kaasi oo dadka loogu wacyi gelinayo in ay Talaalka qaataan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM