Trump oo ka hadlay heshiiska Turkiga iyo Ruushka ee Suuriya

Image

WASHINGTON, US – "Guul weyn" ayaa laga gaarey xadka Turkiga iyo Suuriya, madaxweyne Mareykanka, Donald Trump, ayaa sidaasi yiri Arbacada maanta ah kadib markii Turkey iyo Russia ku heshiiyeen Aag ammaan ah.

"Aag amaan ah ayaa la sameeyay. Xabad joojinta ayaa la helay, dagaalka waa dhamaadey. Kurdiyiinta way bad-qabaan, waxayna noola shaqeeyeen si fiican. Maxaabiista ISIL ee qabtay waa la hayaa," ayuu yiri.

Trump oo hadalkan soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka qaadey in uu war-saxaafadeed kasoo saari doono heshiiska.

Heshiiska, ay gaareen Ankara iyo Moscow, ayaa waxa dhigayaa in Ruushka fududeeyo bixitaanka Kurdiyiinta ee sohdinta Suuriya ee ku teedsan Turkiga.

Goobta ay ka hayaamayaan ayaa 30 KM waxay u jirtaa sohdinta Turkiga, halkaas oo la dejin doono qaxootiga reer Suuriya ee ku qaxay Turkey.

Bixitaanka Kurdiyiinta ayaa waxaa lagu wadaa in lagu soo afjaro muddo ku suntay 150 saacadood, sida ku xusan is-afgaradka labadda dowladood.

Is-afgaradka ayaa yimid markii ay Talaadadii ku kulmeen Ruushka, madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo dhigiisa Vladimir Putin.

Saacado kadib markii qalinka lagu duugay heshiiska oo sidoo kale Turkiga ka siinaya gudaha Suuriya 120 KM oo aag ammaan ah ayaa waxay ciidamada labada dowladood ay ka bilaabeen aagga ammaanka howlgal roodno ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM