Trump oo ka hadlay heshiiska Turkiga iyo Ruushka ee Suuriya

Image

WASHINGTON, US – "Guul weyn" ayaa laga gaarey xadka Turkiga iyo Suuriya, madaxweyne Mareykanka, Donald Trump, ayaa sidaasi yiri Arbacada maanta ah kadib markii Turkey iyo Russia ku heshiiyeen Aag ammaan ah.

"Aag amaan ah ayaa la sameeyay. Xabad joojinta ayaa la helay, dagaalka waa dhamaadey. Kurdiyiinta way bad-qabaan, waxayna noola shaqeeyeen si fiican. Maxaabiista ISIL ee qabtay waa la hayaa," ayuu yiri.

Trump oo hadalkan soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka qaadey in uu war-saxaafadeed kasoo saari doono heshiiska.

Heshiiska, ay gaareen Ankara iyo Moscow, ayaa waxa dhigayaa in Ruushka fududeeyo bixitaanka Kurdiyiinta ee sohdinta Suuriya ee ku teedsan Turkiga.

Goobta ay ka hayaamayaan ayaa 30 KM waxay u jirtaa sohdinta Turkiga, halkaas oo la dejin doono qaxootiga reer Suuriya ee ku qaxay Turkey.

Bixitaanka Kurdiyiinta ayaa waxaa lagu wadaa in lagu soo afjaro muddo ku suntay 150 saacadood, sida ku xusan is-afgaradka labadda dowladood.

Is-afgaradka ayaa yimid markii ay Talaadadii ku kulmeen Ruushka, madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo dhigiisa Vladimir Putin.

Saacado kadib markii qalinka lagu duugay heshiiska oo sidoo kale Turkiga ka siinaya gudaha Suuriya 120 KM oo aag ammaan ah ayaa waxay ciidamada labada dowladood ay ka bilaabeen aagga ammaanka howlgal roodno ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM