Trump oo ka hadlay in Mareykanka doonayo in uu rido hogaanka Iiraan

Image

TOKYO, Japan – Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad daaha uga rogay in Mareykanka uusan dooneyn in uu rido hogaanka sare ee Iiraan.

Trump ayaa hadalkaan sheegay Isniinta maanta ah kadib shir laba geesood ah oo uu la yeeshay ra'iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe.

Maamulka Abe ayaa xusul-duub ugu jira in uu u kala dab-qaado dowladahaan ay xiisadooda tahay mid kasii dareysa.

"Ma dooneyno isbedel taliska ah, mana raadineyno hubka nuk-liyeerka," ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id isaga oo raaciyey "waan la heshiin doonaa Iiran".

Xiisada Washington iyo Tehran ayaa cirka isku sii shareertay markii Mareykanka uu ciidamo u diray gobolka bariga dhexe balse Trump ayaa meesha ka saarey khilaaf milatari.

"Cidna ma dooneyso in uu arko iyadda oo ay dhacayaan waxyaabo naxdin leh," ayuu daba dhigay, isaga oo umuuqda mid ayidaya inaanu dagaal dhici doonin.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka iyo Iiraan oo cadaawad soo jireen ah ay dhextaalo ayaa isku haya sameysashada Tehran ee hubka iyo danaha is-diidan ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM