Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Image

MUQDISHO — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu kordhinayo xabbad-joojinta uu la leeyahay Iran, kadib codsi ka yimid Pakistan, iyadoo sidoo kale la sii wadi doono xayiraadda ciidamada badda ee dekedaha Iiraan.

Trump ayaa sheegay in tallaabadan lagu siinayo waqti dheeraad ah dadaallada diblomaasiyadeed, xilli aan la hubin mustaqbalka wadahadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran, kuwaas oo xabbad-joojintooda la filayay inay dhacdo toddobaadkan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu faray militariga Mareykanka inay sii wadaan xannibaadda dekedaha Iiraan, inta laga sugayo soo jeedin mideysan oo ka timaadda Tehran iyo in wadahadalladu ay gaaraan natiijo.

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto, taas oo keentay cabsi laga qabay in dagaal cusub dib u billowdo haddii xabbad-joojintu dhammaato.

Pakistan ayaa door dhexdhexaadin ah ka ciyaartay dadaallada lagu dejinayo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo la rajeynayo in kordhinta xabbad-joojintu ay fursad siiso xal diblomaasiyadeed.

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa weli sareysa, inkastoo xabbad-joojinta la kordhiyay, maadaama xannibaadda badda iyo shuruudaha wadahadalladu ay sii hurinayaan muranka labada dhinac. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM