Trump oo ku faanay abaal uu u galay Bin Salmaan kadib dilkii Khashoggi

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donlad Trump, ayaa la sheegay in uu ku faanay in uu isagu badbaadiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, kadib dilka wariyihii dibad-jooga ahaa, Jamal Khashoggi.

Sidda lagu sheegay Buug uu qoray saxafiga Bob Woodward kaasoo soo baxaya 15-ka September, Trump ayaa rumeysan in uu isagu yahay qofka fadeexada ka badbaadiyey Maxamed Bin Salmaan kadib falkaas foosha xun.

"Aniga ayaa u badbaadiyey [sumcadiisa]," ayuu Trump ka yiri carada gudaha Mareykanka kadib khaarijintii Khashoggi, sidda laga soo xigtay wargeyska Business Insider oo soo xiganaya nuqul kamid ah Buuga Woodward.

Trump oo u riyaaqsan falkiisa ayaa ku daray: "Waxaana awooday in Congress-ka uu diro isaga kaligiisa. Waxaan awooday in aan joojiyo iyaga".

Xogtaan ayaa ku saleysan, sidda ku xusan warbixinta jaraa'idka, wada-sheekeysi 22-kii Janaayo dhexmaray Trump iyo saxafiga Woodward.

Wada-sheekeysigaas telefoonka lana baahiyey codadka todobaadkii hore isla markaana dood ka dhaliyey Mareykanka ayaa dhacay xilli Trump uu ka qeybgalayey Shirka Dhaqaalaha Dunida ee Davos, Switzerland 22-kii Janaayo.

"Madaxweynaha wuxuu u sheegay Woodward in uusan aaminsaneyn in dhaxal-sugaha uu amray dilka wariyaha, inkasta oo sirdoonka Mareykanka iyo qaar kale ay sheegeen in Bin Salmaan amray khaarijinta," ayuu xusay.

Kadib geerida Khashoggi, Trump ayaa awoodiisa madaxweyne ku laalay saddex Xeer oo Aqalka Sare kasoo saarey dhacdadaas oo ay ku jirtay joojinta heshiis iibinta hub kaasoo ku kacayey aduun dhan 8 bilyan oo Doolar.

Jamal Khashoggi oo ahaa falanqeeye sarre lana shaqeynayey wargeyska Washington Post ayaa waxaa lagu dhex-dilay qunsulyada Sacuudiga ee Istanbul, Turkiga, halkaasoo uu ka doontay warqadaha guurka ee lamaantiisii Hatice Cengiz.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM

Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu….

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 04:46PM