Trump oo lagu dhaliilay takoor uu kula kacay xubno ay ku jirto Ilhaan

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka ayaa wajahaya dhaleeceyn guud markii uu weerar afka ah ku qaadey xubno ay kamid tahay gabdha asal ahaan Soomaaliga ah ee Ilhaan Cumar.

Donald Trump oo adeegsanaya Twitter-kiisa ayaa wuxuu ku booriyey afar haween oo ay Ilhaan kamid tahay in ay dib ugu laabtaan wadamada ay kasoo jeedan.

"Dowladdaha ay dalalka ka yimaadeen gabi ahaantooda waa kuwa masiibo iyo dambiyo dhaxda uga jira," ayuu ku yiri oo u muuqda mid ku xadgudbaya wadamada u dhasheen mas'uuliyiintaasi.

Dumarka ay fariinta culus ee Trump ku socoto ayaa saddex kamid ah waxay ku barbaareen Mareykanka xili haweenayda afaraad ay tagtay dalkaasi iyadoo caruur ah.

Dhaliilaha loo jeedinayo Trump oo isugu jira "naceyb iyo takoorid" ayaa ka imaanaya xubnaha xisbiga dimoqraadiga oo ay ka tirsanaa xubnahaasi oo kamid ah Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Iyadda oo ay taasi jirto, haddana wakiilada xisbiga Jamhuuriga ayaa waxay ka gaabsanayaan in ay kusoo biiraan cambaareynta Trump.

Haweenka uu maagey Trump oo qudhooda is-daafacay ayaa kala ah; Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley iyo Ilhaan Omar, oo Soomaali ah.

Dagaalkan dhanka afka ah oo uu Trump ku beegsanayo shaqsiyaadkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo uu haatan ku jiro olale doorasho oo ku wajahan cod-bixinta 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM