Trump oo shaaciyey shaqsiga uu la doonayo jagada ra'iisul wasaaraha UK

Image

LONDON, UK – Madaxweynaha Mareykanka ayaa cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shaqsiga uu doonayo in uu dhaxlo xilka ra’iisul wasaaraha Ingiriiska.

Theresa May ayaa jagadan banaaneysa todobaadka soo aadan, waxaana isa soo taraya murashaxiinta u han-qaltaageysa.

Ninka ugu cad-cad illaa iyo haatan waa Boris Johnson, kaasoo qudhiisa wajahaya maxkamaddeyn dharbaaxo ku noqon karta hamigiisa.

Isaga oo u waramayey THE SUN, ayuu Trump tibaaxay in Johnson uu noqon doono dookh wanaagsan hadii loo xushay hogaamiyaha xisbiga muxaafadka.

Trump oo sii hadlaya ayaa wuxuu daba dhigay: "Aniga waxaan rumeysan nahay in hadii Boris uu qabto uu shaqo fiican qaban doono.

Hogaamiyaha dalka ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa wuxuu hadalkiisa intaasi raaciyey: "Aniga qof walba waan caawin doonaa".

Hadaladaan kasoo yeeray Donald Trump ayaa waxay kusoo beegmayaa xili la filayo in uu socdaal ku yimaado UK isbuucyadda soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM