Trump oo shuruud ku xiray in haweenka ay Ilmaha iska soo ridaan

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyaha Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sharci gobolo badan laga meel-mariyey oo mamnuucaya in haweenka ay iska soo ridaan Ilmaha kahor inta aysan dhalan.

Donald Trump ayaa si wayn u taageeray xeerkaasi, kaasi oo xiisad meel sareysa mareysa ka dhaliyey qaar kamida dowlad goboleedyadda Mareykanka.

Mr Trump ayaa sheegay in dumarka ay Ilmaha iska soo ridi karaa markay wajahaan saddex xaaladood oo kala ah; kufsi, caruur ku timid xiriir saaxiibtinimo iyo xaalad halis ah oo ay hooyadu wajahdo.

Lama ogga waxa mowqifka Trump uu ka bedeli doono xasarada sii xoogeysanaysa ee ka dhalatay mamnuucista xeerkaasi oo gobolada laga dhaqan-geliyey uu kamid yahay midka lagu magacaabo Alabama.

Isu soo bax lagu taageerayo hindisahaasi ayaa la filayaa in uu maanta qabsoomo xili dadka taageersan ay rajo ka qabaan in maxkamada ugu sareysa Mareykanka ay ayidi doono sharcigaasi.

Dhanka kale, gobolo kale oo gaaraya lix iyo tobban ayaa dhankooda lagu waramayaa in ay diyaarinayaa in ay xayiraadyo kusoo rogaan Ilmo iska soo ridista oo sanadihii dambe aad ugu badneed Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM