Trump oo si adag kaga falceliyey hogaamiyeyaasha "ku maadeystay"

Image

LONDON, UK - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka falceliyey muuqaalka baraha bulshadda qabsadey ee muujiyey qaar kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka oo isaga ku maadeysanaya.

Muuqaalka oo aad u kooban waxaa kasoo wada muuqday Justin Trudeau, ra'iisul wasaaraha Canada, Boris Johnson, wasiirka koowaad ee UK, Emmanuel Macron, madaxweynaha Faransiiska iyo mas'uuliyiin kale.

Trudeau oo aad ugu digtay Trump ayaa sheegaya in wafdigiisa uu sawaxankoodu sareeyo isla markaana Trump waqti badan ku bixiyey la hadalka saxaafada kahor waqtiga nasashada ee shirka NATO.

Boris iyo Macron oo waqtigaas kuwada sugnaa qaybta soo dhaweynta ee hoyga boqortooyadda Ingiriiska ayaa waxay ku qosleen hadaladda kasoo yeeray Trudeau.

Trump oo warbaahinta u waramay kadib kulan uu la yeeshay Angela Merkel, ra'iisul wasaaraha Jarmalka, ayaa wuxuu si gaar ah u beegsaday Trudeau.

Kahor inta uusan weerar afka ah ku qaadin Trudeau, Trump ayaa daqiiqado aamusanaa markii war-fidiyeenaddu su'aallo ka waydiiyeen wixii dhacay habeenimadii Talaadda.

"Hagaag, waa laba-wajiile," ayuu Trump ku bilaabay. "Markaan si daacad ah ula hadlo Trudeau, isaga waa shaqsi wanaagsan," ayuu raaciyey.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray: "Waxay dhaliyey in uu iigu maadeysto waa in aan shirka ka sheegay in Canada aysan qaaraan wanaagsan kaga qeyb qaadan NATO".

Gabagabadii, Trump oo aan soo hadal qaadin madaxda kale ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Trudeau "uusan aad ugu farxin" hadaladiisa, isaga oo mar kale ku tartarsiiyey in ay kordhiyaan qoondadooda ururka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM